Bruno Fernandes oo markale Aabbe noqday

(Yurub) 06 Seb 2020. Xiddiga khadka dhexe kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Portugal ee Bruno Fernandes ayaa markale Aabbe noqday xalay.

Bruno Fernandes ayaa saacado kaddib markii uu dhameystay kulankii uu xulkiisa qaranka Portugal la ciyaaray Croatia ee UEFA Nations League, waxa uu helay canugiisa labaad oo ay u dhashay xaaskiisa Ana.

25 jirkan ayaa wiilkiisa cusub ee dunida ku soo biiray waxaa loo bixiyay Goncalo, waxaana uu dhashay 12.30am saqdii dhexe ee xalay, afar sacadood kaddib markii uu xiddiga kooxda Manchester United uu dhameystay kulankii xulkiisa qaran Portugal uu guusha ku qaatay garoonka Estadio do Dragao.

Fernandes iyo xaaskiisa ayaa horey u heystay gabadh saddex sano jir ah oo la yiraahdo Matilde, taasoo dabaal dega dhalashadeeda ay ku beegneyd si isku mid ah maalintii uu xiddiga reer Portugal ku biiray kooxda Manchester United bishii Janaayo 31.

Si kastaba ha noqotee, xulka qaranka Portugal ayaa xalay kaga adkaaday dhigooda Croatia, kulankii UEFA Nations League 4-1, la’aanta kabtankooda Cristiano Ronaldo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close