Luis Suarez oo diray fariin adag kahor inta uusan ka tagin kooxda Barcelona

(Barcelona) 05 Seb 2020. Waxaa laga yaabaa in saacado kooban ay ka harsan tahay in xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez uu firaaqeeyo garoonka Camp Nou iyo inuu gabi ahaanba ka tago Barcelona, si uu ugu biiro kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.

Luis Suarez ayaa ka baxay qorshaha tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman, kaasoo albaabka u furay inuu ka tago kooxda xagaagan, halka wargeysyo badan ay xaqiijiyeen inuu durbaba heshiis la gaaray kooxda heysata horyaalka Talyaaniga si uu ugu dhaqaaqo saacadaha soo socda.

Sida laga soo xigtay shabakadda “ESPN” Suarez iyo saaxiibkiis Arturo Vidal ayaa maanta oo Sabti ah tababarka u qaatay si gooni ah, iyagoo isu diyaarinaya inay ka tagaan kooxda Barcelona.

Luis Suarez ayaa soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka sawirkiisa isagoo ku gudi jira tababarkii uu maanta sameeyay, wuxuuna yiri:

“Marnaba ma joojin doono inaan ku raaxeysto waxaan had iyo jeer doonayay”.

Suarez ayaa wuxuu fariintiisa intaas ku sii daray:

“Had iyo jeer ahoow mid dhanka wanaagsan wax ka eega, ma jiro wax rajo beel igu ridi kara”.

Bixitaanka Suarez ayaa ah go’aanka tababare Ronald Koeman, kaasoo ku howlan masruuca uu dib ugu dhisayo kooxda reer Catalonia, kaddib xilli ciyaareed xun oo ay Barca ku weyday dhammaan tartamadii ay ka qeyb qaadatay, iyo in si fool xun ay kaga hareen tartanka Champions League kaddib guuldarradii 8-2 aheyd oo ay kala kulmeen naadiga Bayern Munich, kulankii wareega siddeed dhamaadka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close