Kooxda Juventus oo isku diyaarinaysa inay isku darto ciyaaryahan iyo lacag kaash ah si ay gacanta ugu soo dhigto xiddig ka dheela Premier League

(Turin) 05 Seb 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay isku darto ciyaaryahan iyo lacag kaash ah si ay gacanta ugu soo dhigto xiddig ka ciyaara horyaalka Premier League.

Sida uu warinayso Warsidaha reer Talyaani ee Calcio Mercato kooxda Juventus ayaa diyaar ah u inay isku darto ciyaaryahan ka tirsan safkeeda iyo lacag kaash ah si ay ula soo wareegto laacibka khadka dhexe ee Tottenham, Tanguy Ndombele.

The Bianconeri kooxda lagu naynaaso ayaa isku diyaarinayso in dalabkeeda ugu dambeeya oo ay ugu dhaqaaqeyso xiddiga reer France inay ku darto ciyaaryahankeeda Federico Bernardeschi.

Laacibkan ay doonayso inay gacanta ku soo dhigto Juventus ee Tanguy Ndombele ayaa Spurs kaga soo dhaqaaqay sanadkii hore naadiga Lyon ee ka dhisan Waddanka Faransiiska.

Ndombele weli heshiiskiisa kooxda Tottenham waxaa kaga harsan shan sanadood, laakiin Jose Mourinho ayaa la sheegayaa inuu shaki geliyey booskiisa safka hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close