Arturo Vidal oo qarka u saaran inuu ka tago Barcelona, xilli heshiis labo sano ah uu ugu biirayo Kooxda…

(Barcelona) 05 Seb 2020. Arturo Vidal ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Barcelona, iyadoo la soo sheegayo inuu u dhaqaaqi doono Waddanka Talyaaniga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Arturo Vidal uu heshiis labo sanadood ah uga tagayo garoonka Camp Nou oo uu aadi doono horyaalka Serie A.

War sidaha Talyaaniga ah ee Tuttosport ayaa warinaya in Vidal uu ku dhow yahay inuu heshiis labo sanadood ah ugu biiro kooxda Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Chile ayaa haatan jaraya xiriirkii uu la lahaa Kooxda Barcelona, waxaana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis soconaya illaa sanadka 2022-ka, iyadoo uu xitaa dooq u haysto inuu sii dheereysto heshiiska uu ugu biirayo Inter oo uu ku darsado xilli ciyaareed kale oo dheeri ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close