“Waxaan rajeynayaa inuusan Messi imaanin horyaalka Premier League” – Robertson

(Liverpool) 04 Seb 2020. Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa ka hadlay wararka sheegaya in kabtanka Barcelona ee Lionel Messi lala xiriirinayo inuu ku biirayo naadiga ay xilfaltamaan ee Manchester City.

Xiddiga reer England ee Andrew Robertson ayaa si cad u sheegay inuu doonayo in haddiiba uu Lionel Messi ka tagayo kooxdiisa Barcelona uu u dhaqaaqo meel ka baxsan horyaalka Premier League.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa daabacay hadalada Andrew Robertson, waxaana uu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool aysan u dhaqaaqi doonin inay la soo saxiixato isaga, sidaas darteed ma doonayo inaan ku arko horyaalka Premier League”.

“Waxaan la ciyaaray laba jeer labo kulan, kuwaas oo ah kuwa ugu adag xirfadeyda ciyaareed ee kubadda cagta”.

Yeelkeeda, Lionel Messi ayaa kooxdiisa Barcelona ku wargeliyay rabitaankiisa ku aaddan inuu ka hayaamo garoonka Camp Nou, isagoo u diray warqadda dalbashada in la fasaxo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close