Van de Beek oo shaaciyey sababta uu u burburay heshiiskii wax waliba la isku raacay ee uu ugu biiri lahaa Kooxda Real Madrid

(Manchester) 04 Seb 2020. Saxiixa cusub ee Kooxda Manchester United, Donny van de Beek ayaa ka hadlay heshiiskiisii fashilmay ee Real Madrid, kaasoo dhici lahaa horraantii sanadkan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa qarka u saarnaa inuu u dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabeu, laakiin masiibada Korona Fayras ayaa keentay in Los Blancos ay dib uga laabato heshiiska, taasoo u ogolaatay Manchester United inay soo gasho oo ay heshiis la saxiixato ciyaaryahanka reer Holland, kaasoo uu toddobaadkii ku qaadanayo 39 milyan oo euro.

Xiddigii hore ee Kooxda Ajax ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u burburay heshiiskii wax waliba la isku raacay ee uu ugu biiri lahaa Real Madrid.

“Wax walba waan isku afgarannay Real Madrid, laakiin sabab jirtay awgeed heshiiskaasi wuu socon waayay” van de Beek ayaa sidaas u sheegay Jariiradda De Telegraaf.

“Waxay ahayd xilli aan carooday, waxaana ka yaabanaa in fursadda ceynkaasi ah ay mar labaad isoo mari doonto.

“Waxaan qiyaasayaa inay ahayd sababtoo ah, naadigu inuusan doonayn inuu iibiyo ciyaartoyda ay sii qorsheysteen”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close