RASMI: Xiddigaha ku tartami doona abaal-marinta laacibka sanadka ee PFA oo la shaaciyey… (Liverpool oo xiddigaha ugu badan ku leh)

(England) 04 Seb 2020. Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey xiddigaha ku tartami doona abaal-marinta xiddiga iyo xiddigta sanadka ee PFA.

Abaal-marinta xiddiga sanadka dhanka ragga waa weyn waxaa ku tartami doona lix ciyaaryahan, kuwaasoo bandhig muuqda sameeyey kal ciyaareedkii dhammaaday ee 2019-20.

Afar ka mid ah xiddigahaas ayaa ka tirsan Liverpool, halka labo ciyaaryahan ay u dheelaan Manchester City, waxaana xusid mudan in labo xiddig oo ka kala tirsan labadaan kooxood ay ku kala guuleysteen abaal-marinnada sanadlaha ah ee ay bixiyaan Premier League iyo Ururka Qoreyaasha.

Sidoo kale waxaa la shaaciyey xiddigaha da’da yar ee dhanka ragga ku tartami doona abaal-marintan iyadoo laacibiinta la soo xushay oo dhan ay yihiin Ingiriis.

Dhanka kale xiddigaha dumarka ee waa weyn iyo da’yarta sanadka ee abaal-marinta PFA ayaa sidoo kale lagu dhawaaqay.

Ku guuleysata abaal-marintan ayaa lagu dhawaaqi doonaa Maalin Talaado ah 8 bishan September 2020.

Xiddigaha u sharraxan abaal-marinta sanadka dhanka ragga ee PFA:

Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

Kevin De Bruyne (Manchester City)

Virgil van Dijk (Liverpool)

Jordan Henderson (Liverpool)

Sadio Mane (Liverpool)

Raheem Sterling (Manchester City)

Xiddigaha u sharraxan abaal-marinta sanadka dhanka Dumarka ee PFA:

Beth England (Chelsea)

Sophie Ingle (Chelsea)

Kim Little (Arsenal)

Vivianne Miedema (Arsenal)

Guro Reiten (Chelsea)

Ji So-Yun (Chelsea)

Xiddigaha u sharraxan da’yarka sanadka ee PFA:

Tammy Abraham (Chelsea)

Trent Alexander-Arnold (Liverpool)

Mason Greenwood (Manchester United)

Mason Mount (Chelsea)

Marcus Rashford (Manchester United)

Bukayo Saka (Arsenal)

Xiddigaha u sharraxan xiddigta da’yarta sanadka ee PFA:

Erin Cuthbert (Chelsea)

Lauren Hemp (Manchester City)

Lauren James (Manchester United)

Chloe Kelly (Manchester City formerly Everton)

Ellie Roebuck (Manchester City)

Georgia Stanway (Manchester City)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close