Wijnaldum oo ka hadlay wararka ku saabsan inuu u dhaqaaqayo kooxda Barcelona

(Liverpool) 03 Seb 2020. Xiddiga reer Holland iyo kooxda Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa faallo yar ka bixiyay wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Barcelona inta lagu jiro xilliga xagaagan.

Qandaraaska Georginio Wijnaldum ee kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhacaya xagaaga soo socda, waxaana jirta rajo laga qabo inuu ka tagi doono kooxda, sababa la xiriira in Jürgen Klopp uu xiiseyanayo inuu kala soo saxiixdo Thiago Alcântara naadiga Bayern Munich.

Sidoo kale macalinka cusub ee kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa dhankiisa doonaya inuu la soo saxiixdo xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Georginio Wijnaldum, maadaama uu tayadiisa ku arkay xulka qaranka Holland uu macalin ugu ahaa.

Ronald Koeman and Gini Wijnaldum had a close working relationship during their time together with the Netherlands

Haddaba Georginio Wijnaldum oo ka soo muuqday shir jaraa’id ayaa ka jawaabay kaddib markii ay warbaahinta wax ka weydiisay, xiisaha kaga imaanaya kooxda Barcelona si ay ula saxiixato wuxuuna yiri:

“Iyagu waa uun warar xan ah, waqtigaan waxba ma dhihi karo” ayuu yiri Georginio Wijnaldum.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close