“Manchester United waxay heysataa xiddigaha ugu fiican qadka dhexe ee adduunka” – Van de Beek

(Manchester) 03 Seb 2020. Ciyaaryahanka cusub ee kooxda Manchester United ee Donny van de Beek ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibkiisa ay isku wadanka yihiin ee Timothy Fosu-Mensah uu door ku lahaa qancinta inuu isaga ku biiro Red Devils.

Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhameystirtay heshiiska xiddiga reer Holland ee Donny van de Beek, kaasoo kaga soo biiray naadiga dalka Holland ee Ajax Amsterdam.

Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Donny van de Beek kaddib heshiiska cusub uu u saxiixay kooxda Man United, wuxuuna yiri:

“Ma aqaano qof ka tirsan kooxda sidaa darteed waxaan aad u rajeynayaa inaan arko, la kulmo, iyo inaan la ciyaaro”.

“Xiddiga kaliya aan ka garanayo ayaa ah Timothy Fosu-Mensah, waxaan kula soo ciyaaray xiddigaha da’ayarta ah ee kooxda Ajax muddo dheer”.

“Horay ayaan u wada hadalnay wuxuuna igu yidhi goormaad imanaysaa? Waxaan sugay waqti dheer si aad u imaado”.

Ciyaaryahanka cusub ee kooxda Manchester United ee Donny van de Beek oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“kooxdan waxay heysataa qaar ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee ugu fiican adduunka, waana ogahay inaan wax ka baran karo iyaga isla markaana aan awoodeyda ku soo kordhin doono”.

“Waxaan diyaar u ahay inaan qaado talaabada xigta ee xirfadeyda ciyaareed isla markaana aan ku soo bandhigo heerka ugu sareeya, mana jiro wax ka sareeya Manchester United”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close