Manchester City oo u soo bandhigeysa mushaar soo jiidasho leh Kalidou Koulibaly

(Manchester) 03 Seb 2020. Manchester City ayaa la filayaa in dalab cusub oo fiican ay u gudbiso kooxda Napoli isbuucaan, kaddib markii ay sarro u qaaday mushaarka ay u soo bandhigtay Kalidou Koulibaly.

Sida laga soo xigtay “Sportitalia” Man City ayaa si cad u dooneysa inay la saxiixato xiddiga reer Senegal ee Kalidou Koulibaly, Napoli ayaa dalbatay 80 million euros si ay uga ogolaato inuu u wareego magaalada Manchester.

Dalabka Man City wuxuu ahaa ku dhowaad 70 million euros lagu daray lacagaha gunnooyinka, madaxweynaha kooxda ee Aurelio De Laurentiis ayaa wadada u xaaray fikradda ah bixitaanka xiddiga heerka caalami ee reer Senegal.

Aurelio De Laurentiis ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Koulibaly. iyo Arkadiusz Milik waxay kusocdaan wadadii ay ku bixi lahaayeen haddii suuqa kala iibsiga uu ogolaado”.

“Haddii suuqu noo ogolaado inaan iibino labadan ciyaartoy ee aadka ufiican, waan ogaan doonaa sida loo badalo, haddii kalese waxaan ka wada hadli doonnaa arrintan markale sannadka dambe”.

Si kastaba ha noqotee, Majalada “France Football” ayaa xaqiijisay in Koulibaly uu durbaba ogolaaday qodobada heshiiska uu ugu wareegayo kooxda Man City, taasoo isku diyaarineysa inay laba jibaarto mushaarkiisa haatan uu ka qaato Napoli oo gaareya 12 milyan oo euro sanadkii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close