“Ma fududa xaalada Gareth Bale ee kooxda Real Madrid”

(Madrid) 03 Seb 2020. Gareth Bale ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo safka kooxda Real Madrid xagaagan, kaddib markii uu si toos ah kaga baxay qorshaha tababare reer France ee Zinedine Zidane.

Ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa sheegay in xaalada saaxiibkiis Gareth Bale ee kooxda Real Madrid aysan aheyn wax fudud, isagoo tilmamay inuu mar walba doonayo inuu taageero saaxiibkiis.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Faransiiska ee “AFP”, Luka Modric ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay xaalada Gareth Bale ee kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:

La Liga 2016/17: Gareth Bale names Luka Modric as the most hard-working  player in training

“Gareth Bale waa ciyaaryahan weyn, laakiin xaaladiisu ma sahlana”.

“Had iyo jeer wuxuu heystaa taageeridayda, laakiin wuxuu ubaahan yahay inuu go’aamiyo waxa isaga u fiican, iyo waxa uu doonayo inuu hada ka sameeyo xirfadiisa”.

“Xilli ciyaareed fudud uma aheyn isaga, waxaa laga yaabaa inuu haatan u baahan yahay inuu ku laabto xaaladdiisii ​​ugu fiicneyd, waan arki doonaa waxa ku dhici doona maalmaha soo socda”.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Gareth Bale ee kooxda Real Madrid uu dhacayo xagaaga 2022.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close