Kaddib heshiiskii Van de Beek… Man United oo markale soo nooleyneysay raacdadii ay ugu jirtay Jadon Sancho

(Manchester) 03 Seb 2020. Shabakada “Sky Sports” ayaa shaacisay in kooxda kubadda cagta Manchester United ay markale soo nooleyneysay raacdadii ay ugu jirtay Jadon Sancho, si ay u dhameystirto heshiiskiisa inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xagaagan, magaca Jadon Sancho ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo safka kooxda Borussia Dortmund isla markaana uu u dhaqaaqayo naadiga reer England ee Manchester United.

Si kastaba ha noqotee, wadahadaladii u dhaxeeyay maamulka labada naadi ayaa istaagay waqti ka hor, taasoo keentay inay dadka qaar aaminaan in Man United ay ka baxday raacdadii ay ugu jirtay heshiiskan.

Shabakada “Sky Sports” ayaa waxay tilmaamtay in Manchester United ay markale bilawday inay udhaqaaqdo soo qaadashada Jadon Sancho xagaagan.

Shabakada ayaa waxay intaas ku sii dartay in saraakiisha Red Devils ay haatan wadahadalo kula jiraan wakiilka ciyaaryahanka, kaddibna ay gudbin doonaan dalab rasmi ah, si ay u soo qaataan laacibka.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Man United ay wali wado dheer sugeyso sida ay ku heli laheyd adeega Jadon Sancho, laakiin markale ku soo laabtaan heshiiska ay ku doonayaan waxay caddeyn xoog leh u tahay fursadaha ay Red Devils ku heli karto adeega laacibka reer England.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska Jadon Sancho ee kooxdiisa Borussia Dortmund uu dhacayo xagaaga 2023.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close