“Waxaan rajeynayaa in Lionel Messi uu la sii joogi doono Barcelona” – Sergio Ramos

(Madrid) 02 Seb 2020. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa muujiyay sida uu u jecel yahay inuu sii joogo Lionel Messi naadiga ay xilfaltamaan ee Barcelona.

Sergio Ramos ayaa sidoo kale muujiyay in joogitaanka Lionel Messi ee horyaalka La Liga ee dalka Spain muhiimad dheeri ah siin doonto heerarka oo dhan.

Lionel Messi wali waxaa ka go’an inuu ka tago kooxda Barcelona xagaagan si uu khibrad cusub u helo, wuxuuna ka maqnaa baaritaanka caabuqa Korona iyo tababarka kooxda ee Isbuucan. Isagoo sugaya natiijada ka soo baxda kulanka ay yeelan doonaan aabihiis Jorge Messi iyo madaxweynaha Barca ee Josep Maria Bartomeu.

Ramos wuxuu rumeysan yahay in Messi uu uqalmo inuu go’aansado mustaqbalkiisa sanado badan kaddib oo uu u soo shaqeynayay kooxda Barcelona, ​​laakiin isla waqtigaas wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Barca, sababa la xiriira in bixitaankiisa uu si xun u saameyn doono guud ahaan horyaalka Spain.

Wargeyska “Marca” ayaa shaaciyay wareysi uu bixiyay Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Messi? wuxuu leeyahay xushmad uu ku go’aansado mustaqbalkiisa, ma aqaano haddii go’aankiisa uu yahay kan ugu fiican”.

“Kubadda cagta Spain iyo kooxda Barcelona iyo anagaba waxaan jeclaan laheyn inuu sii wato, waxay ka dhigeysaa Horyaalka Spain mid wanaagsan, waxayna farxad gelineysaa kulamada El Clasico”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close