RASMI: Man United oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Van de Beek

(Manchester) 02 Seb 2020. Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhameystirtay heshiiska xiddiga reer Holland ee Donny van de Beek, kaasoo kaga soo biiray naadiga Ajax Amsterdam.

Van de Beek ayaa maray baaritaano caafimaad wuxuuna saxiixay qandaraas shan sano ah, oo uu dooq u heysto inuu ku darsan karo hal sano oo dheeri ah, sida ay ku shaacisay Red Devils bayaan ay ku soo qortay website-keeda rasmiga ah.

Manchester United ma aysan shaacinin faahfaahinta dhaqaale ee heshiiska, laakiin wararka qaar ayaa tilmaamaya in qiimaha heshiiska uu gaarayo 40 million pounds.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa dhaliyay 10 gool, wuxuuna caawiyay 11 gool kale, 37 kulan uu ku ciyaaray maaliyada kooxda Ajax xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close