Halyeey naadiga Ajax ah oo aaminsan in Hakim Ziyech uu ku guuleysan doono kooxdiisa cusub ee Chelsea

(London) 02 Seb 2020. Halyeeyga kooxda Ajax Amsterdam ee Jesper Olsen ayaa wuxuu rajeynayaa in ciyaaryahanka reer Morocco ee Hakim Ziyech uu ku guuleysan doono naadiga Chelsea.

Xiddiga reer Morocco ayaa si rasmi ah ugu biiray safka kooxda Chelsea suuqan xagaaga, wuxuuna kaga yimid qiimo lacageed gaaraya 40 million euros naadiga Ajax Amsterdam.

Sida ay daabacday shabakada caalamiga ah ee “Goal” Halyeeyga kooxda Ajax Amsterdam ee Jesper Olsen ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Shaki kuma jiro in Hakim Ziyech uu ku guuleysan doono Chelsea, waxaana run ahaantii u maleynayaa in Frank Lampard uu shaqo fiican qabtay”.

Coming Soon: Jesper Olsen Special - YouTube

“Lampard si wanaagsan ayuu u garanayaa kooxda gudaheeda iyo banaankeeda, waxay u muuqataa inuu aad ugufiican yahay dhanka maamulka iyo qaab ciyaareedka”.

“Tani waa waxa ugu muhiimsan, wuxuu doonayaa inuu weeraro oo uu ciyaaro kubad weerar ah, taasi wax dhibaato ah kuma noqon doonto Hakim Ziyech”.

“Ciyaartoyda ka imaaneysa kooxda Ajax ayaa u sameysan sidaan oo kale, iyagoo ah daafac ama khad dhexe, waxaad ka fikireysaa inaad weerar qaado, shaki kuma jiro taas”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close