Faahfaahinta kulankii dhex maray aabaha Messi iyo Bartomeu si loo go’aamiyo mustaqbalka ciyaaryahanka ee kooxda Barcelona

(Barcelona) 02 Seb 2020. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada dalka Spain faahfaahinta kulankii dhex maray abaaha dhalay Lionel Messi ee Jorge Messi iyo madaxweynaha Barca ee Josep Maria Bartomeu.

Wargayska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhamaaday kulankii dhex maray abaaha dhalay Lionel Messi ee Jorge Messi iyo madaxweynaha Barca ee Josep Maria Bartomeu.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in bixitaanka Lionel Messi aan laga gorgortami doonin.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kulanka ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne ku xigeynka kooxda Barcelona ee Javier Bordas, walaalka la dhashay Messi iyo qareenka qoyska, wuxuuna kulanka socday sacad iyo bar.

Wargayska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu intaas ku sii daray in Bartomeu uu u sheegay aabaha Messi ee Jorge Messi, inuu doonayo in Lio uu sii joogo kooxda, sababa la xiriira inuu xubin muhiim ah u yahay mashruuca tababaraha cusub ee Ronald Koeman.

Josep Maria Bartomeu ayaa carabka ku adkeeyay in dalabkii lagu cusbooneysiiyay qandaraaska Messi ee labada sano uu weli shaqeynayo, isagoo isla waqtigaas carabka ku adkeeyay inuusan gorgortan ka geli doonin si kasta oo uu ciyaaryahanka uga tagayo kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close