Agaasimaha ciyaaraha Inter Milan oo ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya Lionel Messi

(Milano) 02 Seb 2020. Inter Milan ayaa isaga baxday raacdadii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi xagaagan, kaddib markii magaca kabtanka Barcelona lala xiriiriyay naadiga Nerazzurri.

33-jirkan reer Argantina ayaa kooxdiisa Barcelona ku wargeliyay rabitaankiisa ku aaddan inuu ka hayaamo garoonka Camp Nou, isagoo u diray warqadda dalbashada in la fasaxo.

Sida uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan ee Piero Ausilio ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay wararka la xiriirinaya Messi naadiga Nerazzurri wuxuuna yiri:

Wawancara Piero Ausilio: Inter Milan akan Jajaki Peluang untuk Rekrut Arturo Vidal

“Ma dooneyno inaan qandaraas la galno Lionel Messi, xitaa ma aqaano halka ay ka yimaadeen wararkaas waalan”.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan ee Piero Ausilio ayaa sidoo kale digniin u diray naadiga Barcelona, oo ku saabsan xiisaha ay Barca u qabto saxiixa weeraryahanka Nerazzurri ee Lautaro Martínez.

Piero Ausilio oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“Ma aanan la bilaabin wax wadahadal rasmi ah kooxda Barcelona oo ku saabsan Lautaro Martínez, maalintii uu dhamaaday qodobka qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa, waxaan u qaadanay ciyaaryahanka inuusan iib ahayn, way dhamaatay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close