Kooxda PSG oo Inter Milan ka dhex aragta bedelka Thiago Silva oo ka tagay kuna biiray Blues

(London) 01 Seb 2020. Kooxda kubadda cagta PSG ayaa la soo warinayaa inay bedelka kabtankeedii Thiago Silva ka dhex aragto naadiga reer Talyaani ee Inter Milan.

Naadiga reer France ee PSG ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqo sidii ay kula soo saxiixan lahayd daafaca Inter Milan ee Milan Skriniar si ay ugu buuxiso booskii uu banneeyey Thiago Silva oo ku biiray Kooxda Chelsea.

Suxufiga sida weyn wax uga qora arrimaha Suuqa ee Di Marzio ayaa warinaya in kooxda xafidanaysa horyaalka Ligue 1 ay dalab loogu talo galay Skriniar gudbisay iyadoo labada dhinac ay bilaabeen howsha wadahadalka.

Kabtankii hore ee PSG, Thiago Silva ayaa dhowaan ka tagay kooxda caasimadda Faransiiska ka dhisan, waxaana uu beeca xorta ah ugu biiray naadiga reer London ee Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close