Chelsea oo Inter Milan ku wargelisay qiimaha ay ku heli karto N’Golo Kante & Tababare Conte oo saddex xiddig ka doonaya kooxdiisii hore

(London) 01 Seb 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa naadiga Inter Milan ku wargelisay qiimaha ay ku heli karto N’Golo Kante, iyadoo Tababare Antonio Conte uu saddex xiddig ka doonayo kooxdiisii hore ee Blues.

Inter Milan ayaa indhaha ku haysa inay N’Golo Kante kala soo saxiixato Chelsea, iyadoo Tababare Antonio Conte uu qorsheynayo inuu ku duulo kooxdiisii hore.

Jariiradda Express ayaa haatan warinaysa in Blues ay haatan Kante duldhigtay 80 milyan oo gini oo u dhiganta 107 milyan oo dollar, iyagoo doonaya inay soo ceshadaan lacagihii ku baxay saxiixyada waa weyn ee Timo Werner, Hakim Ziyech iyo Ben Chilwell – halka Kai Havertz lagu wado inuu si dhaqso leh ku yimaado.

Tababare Conte kaasoo soo maamulay kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ee Chelsea xilli ciyaareedkii 2016-17 ayaa sidoo kale kooxdiisii hore ka doonaya inuu kala soo wareego Emerson Palmieri iyo Olivier Giroud oo uu ku soo biiriyo naadiga Nerazzurri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close