RASMI: Zlatan Ibrahimovic oo heshiiska u kordhiyey kooxdiisa AC Milan, xilli uu xiran doono Lambar cusub

(Milano) 31 Agoosto 2020. Zlatan Ibrahimovic ayaa heshiiska u kordhiyey kooxdiisa AC Milan, waxaana uu u saxiixay qandaraas hal sano ah sida goordhow la xaqiijiyey, isagoo kal ciyaareedka soo aaddan lambar cusub u xisan doono Kooxdiisa reer Talyaaniga.

Xiddiga reer Sweden ee Ibrahimovic ayaa maanta saxiixay halkiisa sano ee dheeriga ah ee Kooxda AC Milan, waxaana 12 bilood oo kale uu sii joogi doonaa garoonka San Siro.

38-sano jirkaan ayaa kooxda Serie A ka dheesha markiisii labaad heshiis lix bilood ah ugu soo biiray bishii Janaayo, waxaana uu u dhaliyey 10 gool 18 kulan oo uu u saftay horyaalka Serie A, taasoo ka caawisay in AC Milan ay ku dhammaysato kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Talyaaniga.

 Ibrahimovic waxa uu xilli ciyaareedka cusub kooxdiisa AC Milan u xiran doonaa lambarka 11-aad sida uu ku xaqiijiyey bartiisa instagram-ka.

 

View this post on Instagram

 

Like I said im just warming up @acmilan

A post shared by Zlatan Ibrahimović (@iamzlatanibrahimovic) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close