RASMI: Xulka qaranka Talyaaniga oo soo bandhigay maaliyadda uu ku ciyaari doono marka uu gurigiisa ku dheelayo.. + SAWIRRO

(Rome) 31 Agoosto 2020. Xulka qaranka Talyaaniga ayaa soo bandhigay maaliyadda cusub ee uu ciyaari doono marka ay garoonkooda ku dheelayaan tartanka ku soo aaddan.

Maaliyaddaan cusub ee lagu ciyaarayo marka xulku joogo mininkiisa ayaa loo yaqaan ‘Crafted by Culture design’, waana arrin la xiriirta dhaqanka, iyadoo lagu dhiirrigelinayo saameynta dhaqanka farshaxanka iyo dhismaha.

David Bremond Madaxa maareynta wax soo saarka shirkadda PUMA oo farsameysay maaliyaddaan cusub ee xulka Talyaaniga ayaa yiri: “Intii lagu gudajiray dib-u-cusbooneysiinta, Talyaanigu wuxuu xuddun u ahaa hal-abuurka iyo hal-abuurnimada.”

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa la filayaa inuu maaliyaddaan cusub ku ciyaaro kulammada ku soo aaddan tartanka qarammada Yurub ee EURO 2021.

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close