RASMI: Ciro Immobile oo qandaraaska u kordhiyey Kooxdiisa Lazio… (Meeqa sano ayuu u saxiixay?)

(Rome) 31 Agoosto 2020. Agaasimaha isgaarsiinta Kooxda Lazio ee Stefano De Martino ayaa ku dhawaaqay in Ciro Immobile uu naadiga u saxiixay heshiis cusub oo ku eg illaa sanadka 2025-ka.

Mushaharka uu ku qaadan doono heshiiskan ayaa lagu qiyaasayaa 3.5 ilaa 4 milyan oo euro xilli ciyaareedkiiba oo lagu darayo lacagaha kale ee gunnooyinka ah oo uu heli doono weeraryahankan.

Isagoo si ballaaran ugu safray xirfaddiisa muddadii uu joogay Kooxaha Juventus, Genoa, Torino, Borussia Dortmund iyo Sevilla, Immobile ayaa ugu dambeyntii ka helay Lazio 2016, halkaasoo uu arko gurigiisa.

Xilli ciyaareedkii dhowaan dhammaaday ee 2019-20 wuxuu ahaa kii ugu fiicnaa xirfaddiisa ciyaareed Ciro, isagoo ku guuleystay abaal-marinta Capocannoniere ee la siiyo xiddiga xilli ciyaareedka ugu goolasha badan Serie A iyo Abaal-marinta Kabta Dahabka ah ee gooldhaliyaha ugu sarreeya tartammada Yurub, wuxuuna barbareeyay Gonzalo Higuain rikoorkiisii abid ee 36 gool oo Serie A ah oo hal xilli ciyaareed la dhaliyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close