Warbaahinta Argentine oo shaaca ka qaaday waqtiga uu Lionel Messi ku dhawaaqi doono go’aankiisa… (Waa goorma?)

(Barcelona) 25 Agoosto 2020. Warbaahinta dalka Argentine ayaa warinaya waqtiga uu Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ku dhawaaqi doono go’aankiisa kama dambeysta ah ee haddii uu kooxda la sii joogayo iyo haddii uu ka tagayo.

Leo Messi ayaa la warinayaa inuu saacadaha yar ee soo aaddan ku dhawaaqi doono go’aanka uu qaatay ee ku aaddan mustaqbalkiisa sida laga soo xigtay Argentine media Ole.

Xiddiga xulka qaranka Argentine ee Messi ayaa mustaqbalkiisa mugdi la galiyey, kaddib markii ay Barcelona qaadatay xilli ciyaareed niyad jab ah, isla markaana 8-2 guuldarro ah ay kala kulmeen Bayern Munich, taasoo ka dhigtay in xilli ciyaareedku uu soo dhammaaday iyagoo faro-maran oo aan ku guuleysan wax koob ah.

Waxaa la soo wariyay in Manchester City ay ka shaqeynayso sidii ay lacag uga soo bixin laheyd ciyaaryahanka reer Argentina, waxaana sidoo kale kooxaha doonaya saxiixa Leo ka mid ah kooxda uu joogo saaxiibkiisii hore Neymar ee PSG.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close