RASMI: Weeraryahankii Chelsea ee Pedro oo dhammaystiray ku biiristiisa Kooxda Roma

(Rome) 25 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Roma ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Pedro Rodriguez, kaasoo si xor ah uga tagay Chelsea kaddib shan xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Magaalada London.

Giallorossi kooxda lagu naynaaso ayaa xaqiijisay in 33-sano jirkaan uu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga kaddib markii uu maanta ka gudbay tijaabada caafimaad.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Spain ayaa heshiis saddex sano ah u saxiixay Roma, kaasoo kooxdiisa cusub ku sii hayn doona illaa bisha June ee sanadka 2023-ka.

Pedro ayaa marka uu heshiiskan cusub saxiixay waxa uu website-ka rasmiga ah ee naadiga Roma u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku soo biiro kooxdan weyn, isla markaana Taageerayaasha Giallorossi uu ka dhigi doono kuwo farraxsan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close