RASMI: Tababare Andrea Pirlo oo xaqiijiyey xiddig weyn oo xagaagan ka tagaya Kooxda Juventus

(Turin) 25 Agoosto 2020. Macallinka cusub ee Juventus, Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyey in xiddig weyn oo ka mid ah kuwa weerarka uga dheela naadiga reer Talyaani uu xagaagan bixi doono.

Pirlo waxa uu ku dhawaaqay in Gonzalo Higuaín uu xagaagan ka tagi doono kooxda kubadda cagta Juventus.

Tababaraha cusub ee kooxda Juve, Pirlo ayaa heshiis la galay xiddiga reer Argentine si loo joojiyo ama loo baabi’yo qandaraaskiisa kooxda marwada duqda ah.

Higuain oo haatan 32-sano jir ah ayaa 71 gool u dhaliyey kooxda kubadda cagta Juventus 149 kulan oo uu u saftay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close