RASMI: Liiska xiddigaha xulka qaranka England uga qeyb-galaya UEFA Nations League oo la shaaciyey… (Phil Foden iyo Greenwood oo markii ugu horreysay loo wacay & Harry Maguire oo…)

(London) 25 Agoosto 2020. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha xulka qaranka England uga qeyb-galaya tartanka UEFA Nations League bisha soo socota, iyadoo uu ku jiro Harry Maguire, halka markoodii ugu horreysay xulka looga yeeray xiddigaha da’da yar ee Phil Foden, Mason Greenwood iyo Kalvin Phillips.

Kabtanka kooxda Manchester United ee Maguire ayaa ka qeyb-qaatay qalalaaso ka dhacay dalka Giriigga halkaasoo lagu xiray todobaadkii la soo dhaafay.

Foden, 20 sano jir ah iyo 18-sano jirka Greenwood ayaa looga wacay markii ugu horreysay xulka saddexda Libaax kaddib bandhig ay ku sameeyeen kooxda Manchester City iyo Manchester United, halka Kalvin Phillips uu ku jiro liiskan kaddib markii uu Leeds ka caawiyey inay ku guuleysto Championship-ka.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ka maqan xulka waxa uuna ku seegay dhaawac jilibka ah oo soo gaaray bishii July, halka Ben Chilwell, kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Chelsea uu weli la maqan yahay dhaawac ciribta ah.

Xulka saddexda Libaax ayaa u martin doona Iceland 5 bisha September ee soo aaddan, waxaana ay saddex maalin kaddib la dheeli doonaan Denmark.

Liiska xiddigaha xulka qaranka England oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Goolhayeyaasha: Dean Henderson, Jordan Pickford, Nick Pope.

Daafacyada: Trent Alexander-Arnold, Eric Dier, Joe Gomez, Michael Keane, Harry Maguire, Tyrone Mings, Kieran Trippier, Kyle Walker.

Khadka dhexe: Phil Foden, Mason Mount, Kalvin Phillips, Declan Rice, James Ward-Prowse, Harry Winks.

Weerarka: Tammy Abraham, Mason Greenwood, Danny Ings, Harry Kane, Marcus Rashford, Jadon Sancho, Raheem Sterling.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close