Messi oo go’aanka mustaqbalkiisa u gudbiyey maamulka Barcelona… (Muxuu ka codsaday kaddib Fakiskii uu u soo diray?)

(Barcelona) 25 Agoosto 2020. Warbaahinta Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen in maamulka Barcelona ay xaqiijiyeen inay soo gaartay warqad kaga timid xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi, taasoo uu ku codsanayo inuu ka tago kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay raadiyaha “Cadena SER” ee dalka Spain maamulka kooxda Barcelona ayaa waxay xaqiijiyeen inay fax ka heleen Lionel Messi, laakiin waxay carabka ku adkeeyeen in heshiiska u ogolaanayay xiddiga reer Argantina inuu baxo uu dhammaaday 10-ka bishii June ee la soo dhaafay.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in maamulka kooxda Barcelona ay ku wargaliyeen Lionel Messi inuu heysto qandaraas ilaa sanadka soo socda ah, wuxuuna kiiska hadda u dhexeeya qareennada.

Si kastaba ha noqotee, Lionel Messi ayaa codsaday inuu baxo, kaddib markii uu kulan la qaatay Ronald Koeman, tababaraha cusub ee kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close