Kooxda PSG oo qorsheyneysa inay dib u midoobaan xiddigaha Suarez iyo Neymar

(Paris) 25 Agoosto 2020. Paris Saint-Germain ayaa raadineysa inay ka faa’iideysato dhibaatada hadda taagan ee weeraryahanka Barcelona Luis Suarez, si ay ula soo saxiixto inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Macalinka cusub kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa Isniintii shalay aheyd kala xiriiray Luis Suarez qadka Taleefanka si uu ugu sheego inuusan qeyb ka aheyn qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” ee dalka Spain Paris Saint-Germain waxay u aragtaa inay tahay fursad aan caadi aheyn oo ay kula saxiixan karaan weeraryahan weyn oo aan wax qiimo ah kaga bixin.

Labo sano ka hor, Paris Saint-Germain waxay xiiseyneysay inay la soo saxiixato Suarez, kaddib markii uu sidaas codsaday xiddigooda reer Brazil ee Neymar Jr, madaama kooxda reer France ay u baahneyd weeraryahan isaga oo kale ah, si ay ugu xoojisataan weerarka kooxda.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Paris Saint-Germain ay sugeyso bal in Barcelona ay sii deyso Luis Suarez sida la filayo inay dhacdo, walina ma aysan la hadlin ilaa iyo haatan ciyaaryahanka, taasoo ah si ka duwan kooxaha ka dhisan dalalka England iyo Talyaaniga.

Wargayska ayaa soo wariyay in Suarez uusan dooneynin inuu ku laabto kooxdiisii ​​hore ee Ajax Amsterdam, inkastoo uu xiriir la soo sameeyay agaasimaha ciyaaraha kooxda ee Marc Overmars.

Naadiyada horyaalka MLS ee dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la soo xiriiray Suarez, laakiin wax go’aan ah ma gaari doono ilaa iyo wakiiladiisa iyo Barcelona ay ku heshiiyaan bixitaankiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close