Luis Figo oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Lionel Messi inuu ka tagayo kooxda Barcelona

(Yurub) 23 Agoosto 2020. Ciyaaryahankii hore kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ee Luis Figo ayaa xaqiijiyay inay adag tahay in Lionel Messi lagu arko koox kale sanadkan.

Hadalka Figo ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Lionel Messi uusan dooneynin in mustaqbalkiisa ciyaareed uu ku dhameysto kooxda Barcelona, kaddib xilli ciyaareedkii xumaa ay kooxda qaadatay iyo guuldarradii foosha xumeyd ee 8-2 aheyd ay kala kulmeen naadiga Bayern Munich.

Wrgeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga reer Portugal ee Luis Figo, waxaana uu yiri:

Luis Figo praised Messi - Egypt Today

“Sanadkan suurtogal ma noqoneyso in koox kasta ay awood u yeelato inay bixiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Lionel Messi”.

“Suuqa waa mid xanniban,  waxayna ila tahay inay ku adag tahay koox walba inay dusha u ridan karto qandaraaska Messi, aad bay u adag tahay”.

Intaas kaddib Luis Figo ayaa ka hadlay ciyaarta caawa ee finalka Champions League ay wada ciyaari doonaan kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain, wuxuuna yiri:

“Ciyaartoyda Paris Saint-Germain way ogyihiin inay taariikh sameyn karaan, waxayna taasi ka dhigi doontaa final dhab ah, marka loo eego tayada labada kooxood iyo awooda labada shaxood”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close