DEG DEG: Kooxda Barcelona oo cayrisay Agaasimaheedii Ciyaaraha ee Eric Abidal

(Barcelona) 18 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay shaqada ka cayrisay Agaasimaheedii dhanka ciyaaraha ee Eric Abidal.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa bayaan ay ku xaqiijisay bixitaanka Abidal waxa ay soo dhigtay Website-keeda, waxaana uu u dhignaa:-

“FC Barcelona iyo Éric Abidal ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhammaadka qandaraaska, kaasoo middeeyay labada dhinaca.

“Kooxdu waxa ay si cad u jeclaan lahayd inay uga mahadceliso Abric Abidal xirfaddiisa, go’ankiisa, u heellanaantiisa, dabeecadda dhow iyo wanaagga xiriirkiisa uu la leeyahay dhammaan dhinacyada qoyska Blaugrana.”

Waxaa wali la arki doonaa cidda la wareegi doonta waaxda isboortiga ee kooxda reer Catalan, kaddib markii albaabka loo tilmaamay Abidal.

Warkan ayaana ku soo aadday maalin kaddib markii kooxda Barcelona ay cayrisay tababaraheedii Quique Setien.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close