Barcelona oo xaqiijisay in qalliin lagu sameeyey goolhaye Marc-Andre ter Stegen & Muddada uu garoomada ka maqnaan doono

(Barcelona) 18 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay in qalliin guuleystay lagu sameeyey goolhaye Marc-Andre ter Stegen, iyadoo sidoo kale xustay muddada uu garoomada ka maqnaanayo si uu kabasho u sameeyey.

Qalliin guuleystay ayaa goolhayaha koowaad ee Barcelona, Marc-Andre ter Stegen looga sameeyey jilibka, waxaana la filayaa inuu maqnaan doono oo waqtigiisa soo kabashada uu qaadan karo qiyaastii in ku dhow saddex bilood.

“Qalliinka ayaa si guul ah lagu gaaray, waxaana la filayaa in wakhtiga soo kabashada ay ahaato qiyaastii labo bilood iyo bar” ayuu u dhignaa warbixin kooban oo lagu soo daabacay website-ka rasmiga ah ee Kooxda Barcelona, kaasoo looga hadlayey xaaladda goolhaye Ter Stegen.

Waxaa la filayaa in marxaladaha hore ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub uu seego Goolhaye Ter Stegen, maadaama la isku diyaarinayo in horyaalka Spain kal ciyaareedka cusub la bilaabo 12 bisha September.

Ter Stegen ayaa shabaqiisa gool ka ilaashaday 15 kulan 46 kulan oo uu u saftay Barcelona tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close