RASMI: Kooxda Isbuuca ee Champions League oo la shaaciyey… (Lewandowski & Muller oo hoggaaminaya 11-kii xiddig ee ugu shidnaa todobaadkan UCL)

(Yurub) 16 Agoosto 2020. Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday kooxda isbuuca ugu fiicnayd tartanka Champions League.

11-ka ciyaaryahan ee ugu bandhigga fiicnaa tartanka Champions League ee kooxda laga sameeyey waxaa hoggaamiyaha labada ciyaaryahan ee Kooxda Bayern Munich, Lewandowski iyo Muller, kuwaasoo meel saaray Barcelona.

Sidoo kale waxaa shaxdaan ka soo muuqday weeraryahanka Lyon ee Dembele, kaasoo ku guuleystay xiddiga garoonka ugu fiicnaa kaddib markii uu labo gool ka dhaliyey xalay Kooxda Manchester City.

Kooxda isbuuca ee Champions League oo dhammaystiran:-

Goolhaye: Lopes (Lyon)

Daafacyada: Gosens (Atalanta), Marquinhos (PSG), Kimmich (Bayern)

Khadka dhexe: Joao Felix (Atletico), Coutinho (Bayern), Aouar (Lyon), Gnabry (Bayern)

Weerarka: Lewandowski (Bayern), Dembele (Lyon), Muller (Bayern)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close