Xiddig ka tirsan kooxda Barcelona oo laga helay caabuqa Korona

(Barcelona) 12 Agoosto 2020. kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa maanta oo arbaco ah shaacisay in mid ka mid ah xiddigaheeda uu ku dhacay caabuqa Korona.

Barcelona ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay:

“Kaddib tijaabooyinka PCR-ga ee la sameeyay shalay galab Talaadadii, 9 ciyaartoy oo loo qorsheeyay inay bilaabaan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, mid ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inuu qabo caabuqa Korona”.

“Ciyaartoyga ma muujinin wax astaamo ah, wuxuu ku jiraa caafimaad wanaagsan, waxaana la go’aamiyay in lagu karantiilo gurigiisa”.

“Maamulka kooxda waxay ku wargaliyeen dhamaan saraakiisha isboortiga iyo maamulka caafimaadka, in qof walba oo la falgalay ciyaaryahankan in baaritaan lagu sameeyo”.

“Ciyaaryahanka wax falgal ah lama sameynin wax xiddig ah ee ka tirsan kooxda koowaad, oo la qorsheenayo inay u safraan Lisbon khamiista”.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Bayern Munich habeenka Jimcaha kulanka wareega siddeed dhammaadka ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close