Waa kee xiddiga ka tirsan Barcelona uu Andrea Pirlo soo dhaweeyay inuu yimaado kooxda Juventus?

(Turino) 12 Agoosto 2020. Waxaa laga yaabaa inay dhacdo layaab ku aadan mustaqbalka xiddiga qadka dhexe heerka caalami ee xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal xagaagan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka Chile waxaa suurtogal ah in xiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona ay macquul tahay inuu ku laabto Juventus.

Arturo Vidal wuxuu leeyahay hami weyn ee ah inuu ku guuleysto tartanka UEFA Champions League, haddii uu kula guuleysan waayo Barca, waxaa laga yaabaa inuu aado Juventus.

Arturo Vidal: "Si falta ese dinero claro que me parece injusto"

Wargeyska “El Pais” ee dalka Chile ayaa tilmaamay in macalinka cusub kooxda Juventus ee Andrea Pirlo uu soo dhaweeyay in Arturo Vidal uu dib ugu soo laabto Bianconeri, gaar ahaan maadaama uu ilaa iyo haatan xiriir xoogan kala dhaxeeyo tan iyo markii ay ka wada ciyaarayeen naadiga Juve.

Qandaraaska uu Arturo Vidal ku joogo kooxda Barcelona ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, balse wuxuu xiiseynayaa inuu tijaabiyo loolan cusub ama uu ku dhammeeyo mustaqbalkiisa ciyaareed meel kale.

Arturo Vidal ayaa waqtiyadii lasoo dhaafay lala xiriirinayay inuu ku biirayo Inter Milan si uu mar kale ula shaqeeyo tababare Antonio Conte, kaasoo helay qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa ee xirfadiisa ciyaareed markii ay wada joogeen naadiga Bianconeri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close