RASMI: Daafaca Kooxda Juventus ee Matthijs de Ligt oo qalliin guuleystay lagu sameeyey … (Imise bilood ayuu garoomada ka maqnaanayaa?)

(Turin) 12 Agoosto 2020. Daafaca Kooxda kubadda cagta Juventus ee Matthijs de Ligt ayaa qalliin guuleystay lagu sameeyey, iyadoo la shaaciyey muddada bilaha ah ee uu garoomada ka maqnaan doono.

De Ligt ayaa wajahaya muddo saddex bilood ah oo uu garoomada ka maqnaan doono kaddib markii maanta qalliin guuleystay looga sameeyey garabka.

Matthijs de Ligt ayaa qalliin guuleystay oo dhanka garabka ah ku maray Magaalada Rome, laakiin waxay u badan tahay inuusan kooxdiisa Juventus u ciyaari doonin illaa iyo inta laga gaarayo bisha November.

Daafaca dhexe ee Juventus, Matthijs de Ligt  ayaa garoomada ka maqnaan kara muddo saddex bilood ah kaddib markii qalliinkaas looga sameeyey garabka.

Xiddigan reer Netherlands ayaa dhibaatooyin joogta ah kala kulmay garabka midig kaddib markii uu garabku kala baxay sanadkii hore.

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijisay in 21-sano jirkaan uu qalliin guuleystay ku maray Magaalada Rome, isla markaana qaalliinku uu ahaa mid guuleystay.

Bayaan ay soo saartay kooxda Marwada duqda ah ayaa u dhignaa: “Subaxnimadaan, Matthijs de Ligt waxa uu maray qalliin looga sameeyey garabkiisa midig, waxaana qalliinkaan uu ku maray UPMC Salvator Mundi clinic ee Magaalada Rome.

“Qalliinkaan waxaa fuliyey Dr. Volker Musahl oo caawiyeyaal ay u ahaayeen Dhaqaatiirta  Bryson Lesniak iyo Fabrizio Margheritini, halka sidoo kale uu goobjoog ahaa Madaxa waaxda caafimaad Juventus ee Luca Stefanini, waxaana uu ahaa qalliinkaas mid guuleystay.

“Waqtiga soo kabashada qiyaastii waa saddex bilood.”

Waxay u badan  tahay in De Ligt aysan u badnayn inuu taam buuxa noqon doono oo uu soo laaban doono illaa laga gaarayo bisha November ee sanadkaan.

Xiriirka kubadda cagta Waddanka Talyaaniga ee Italian Football Federation (FIGC)  ayaa weli xaqiijiyey taariikhda uu dib u bilaabanayo horyaalka Serie A xilli ciyaareedkiisa cusub ee 2020-21, laakiin waxaa la rajaynayaa inuu bilaaban doono 1 bisha September.

Ciyaaryahan De Ligt ayaa 39 kulan u saftay tartammada oo dhan kooxda Juventus xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Ajax Adduun dhan 75 milyan oo euro sanadkii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close