Ole Gunnar Solskjær oo ka hadlay dareenkiisa kaddib markii ay Man United u gudubtay wareega afarta ee tartanka Europa League

(Yurub) 11 Agoosto 2020. Macalinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii ay kooxdiisa Manchester United u gudubtay wareega afarta ee tartanka UEFA Europa League.

Ole Gunnar Solskjær ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa Manchester United ay u qalantay inay u gudubto wareega afarta ee tartanka UEFA Europa League, wuxuuna sidoo kale ammaanay goolhaaya naadiga Koebenhavn ee Karl-Johan Johnsson, kaddib bandhigii wacnaa uu kulanka ka sameeyay.

Kooxda Manchester United ayaa guul ka soo gaartay naadiga Koebenhavn oo ay kula soo ciyaartay dalka Jarmalka, inkastoo waqti dheeri ah la isla aaday, haddana wuxuu kulanka ku soo idlaaday 1-0 ay ku adkaatay United-ka, kaddib gool ku laad ay heshay waxaa gool u bedelay rigooradaas Bruno Fernandes.

Ciyaarta kaddib Ole Gunnar Solskjær ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waa markii seddexaad ee xilli ciyaareedkan aan u gudubno semi-finalka, sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan gudubno, waan u qalanay”.

“Goolhaayahooda wuxuu ahaa mid cajiib ah, wuxuuna badbaadiyay kubaddo badan oo aan ku tuurnay”.

Intaas kaddib tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wax laga weydiiyay kooxda uu doorbidayo inuu kula ciyaaro wareega afarta ee tartanka UEFA Europa League, wuxuuna yiri:

“Waa Wolverhampton ama Seville, labada kooxood wey fiican yihiin, wax dan ah kama lihin arrintaas”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close