Kooxda Tottenham oo tijaabada caafimaad loo maray… (Booskee ka ciyaaraa xiddiga ku soo biiraya?)

(London) 11 Agoosto 2020. Ciyaaryahanka Hojbjerg ayaa ka gudbay tijaabada caafimaad oo uu u maray Kooxda kubadda cagta Tottenham.

Shabakadda Sky Sports ayaa soo warinaya in ciyaaryahanka Pierre-Emile Hojbjerg uu ku baasay tijaabadii caafimaad ee uu u maray Kooxda reer England ee Tottenham.

Wargeysku waxa uu qormadiisa ku xusay in Naadiga uu hoggaamiyo macallin Jose Mourinho ay goor dhow ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga tijaabada caafimaad u maray ee Pierre-Emile Hojbjerg.

25-sano jirkaan ayaa ka ciyaara khadka dhexe, waxaana uu Spurs kaga soo biiri doonaa Kooxda Southampton, iyadoo lagu soo qaadanayo adduun dhan 15 milyan oo gini oo u dhiganta 20 milyan oo dollar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close