RASMI: Man United oo niyad jab wayn la kulantay & Jadon Sancho oo sii joogi doona Kooxdiisa Borussia Dortmund

(Dortmund) 10 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la kulantay niyad jabkii ugu weynaa kaddib markii loo sheegay inaysan xagaagan heli doonin ciyaaryahanka ay saxiixiisa u waalanaysay ee Jadon Sancho.

Naadiga Borussia Dortmund ayaa go’aan kama dambeys ah ka soo saartay arrinta Jadon Sancho, waxaana kooxda reer England lagu wargeliyey in xiddiga reer England uu sii joogi doono Dortmund xilli ciyaareedka soo socda.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa xaqiijiyey inay hubaal tahay in Sancho uu sii joogi doono kooxdooda xilli ciyaareedka 2020/21 season, kaasoo dharbaaxo dhanka suuqa ah ku ah kooxda Man United.

20-sano jirkaan ayaa bartilmaameed sare u ahaa kooxda Manchester United oo muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan la la xiriirinayey u dhaqaaqista Old Traffrod, laakiin sheekadaas waxaa haatan soo gabagabeeyey Agaasimaha ciyaaraha kooxda Borussia Dortmund oo xaqiijiyey inuu laacibkani la sii joogi doono.

“Waxaan qorsheynay inaan Jadon Sancho ku haysanno kooxdeenna xilli ciyareedkan, kani waa go’aan kama dambeys ah, waxaan u malaynayaa inay taasi tahay jawaabaha dhammaan su’aalaheenna” ayuu Suxufiyiinta u sheegay Agaasimaha ciyaaraha kooxda Borussia Dortmudn ee Michael Zorc.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close