Man United vs Copenhagen: Red Devils oo caawa u baahan inay gaarto afar dhammaadka Europa League

(Yurub) 10 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u duushay dalka Jarmalka, halkaasoo ay ku soo ciyaari doonaan tartanka Europa League, kulan qeyb ka ah saddeed dhammaadka tartankaasi.

Waxa ay caawa Jarmalka ku wajahayaan kooxda Copenhagen xilli kooxda macallin Ole ay koobkaas rabaan markoodii labaad muddo saddex sano gudaheed ah.

Waa markii ugu horreysay oo ay Kooxda Copenhagen soo gaarto wareegga siddeed dhammaadka Euroa League taariikhdeeda, kaddib markii ay soo dubteen naadiga Istanbul Basaksehir.

Geesta kale kaddib markii ay qaab wanaagsan oo ay ku soo daaleen ku soo dhammaysteen tartammada gudaha dalka England, haatan tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa inta badan xiddigaha muhiimka ah nasiyay kulankii lugta labaad ee LASK la ciyaareen.

Maadaama ay kulankii hore ee wareegga 16-ka Man Utd ku soo xasuuqday LASK 5-0, haddana guul 2-1 ayay ka gaareen lugtii labaad, taasoo macallin Ole xiddigihiisa inta badan uu nasiyey, laakiin kulanka caawa diyaar ayay u yihiin xiddigihiisa waa weyn maadaama tartanku uusan labo lug sii ahaan doonin.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA Europa League

Taariikhda: Isniin 10 Agoosto 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: RheinEnergieSTADION

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Man United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams; Pogba, Matic; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial.

Copenhagen: Johnsson; Varela, Nelsson, Bjelland, Boilesen; Mudrazija, Zeca; Biel, Wind, Jensen; Kaufmann.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close