Kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo ku tartamaya saxiixa xiddig daafaca dhexe ka ciyaara

(London) 09 Agoosto 2020. Kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Chelsea ayaa ku tartamaya saxiixa xiddig ka ciyaara booska daafaca dhexe.

Liverpool iyo Chelsea labaduba waxa ay ku tartamayaan oo ay doonayaan saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee Kooxda Brighton, Ben White sida ay warinayso jariiradda The Star.

Leeds United ayaa sidoo kale xiiseynaysa xiddigan 22-sano jirka ah, kaasoo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku soo qaatay garoonka Elland Road, laakiin Blues ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Michael Rudiger si ay u maal geliso heshiiska.

Leeds dealt Ben White transfer blow as Brighton defender's future ...

Reds ayaa dhankeeda ka doonaysa daafacan si Tababare Klopp uu u xoojiyo booskiisa daafaca, laakiin waxa ay tartan adag kala kulmaysaa Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close