Barcelona vs Bayern Munich: Isku aadka wareegga siddeed dhammaadka & Afar dhammaadka oo dhammaystiran

(Yurub) 09 Agoosto 2020. Si rasmi ah ayaa xalay loo soo gabagabeeyey wareegga 16-ka Champions League, waxaana soo dhammaystirmay siddeeda kooxood ee ciyaari doonta siddeed dhammaadka tartankan oo ah hal is-arag.

Isku aadka siddeed dhammaadka Champions League ayaa soo dhammaystirmay iyadoo kooxahan ay iska xaadirin doonaan Waddanka Portugal oo tartankan lagu soo gabagabayn doono dabayaaqada bishaan Agoosto.

Man City iyo Lyon kooxdii soo baxda ayaa ku aadi doonta middii soo adkaata Barcelona iyo Bayern Munich, halka kooxdii soo badisa Atletico Madrid iyo RB Leipzig ay madaxa gelin doonto kooxdii soo baxda PSG iyo Atalanta.

Kulamada wareegga sidgeed dhammaadka iyo afar dhammaadka waa kuwa hal lug ah sidaasi darteed natiijada waxaa lagu go’aamin doonaa is-araga koowaad.

Isku aadka siddeed dhammaadka oo dhammaystiran iyo taariikhda ay kooxahan ciyaari doonaan halkaan hoose ka eeg:-

Atalanta vs Paris Saint-Germain -12-ka Agoosto

Atletico Madrid vs RB Leipzig – 13-ka Agoosto

Barcelona vs Bayern Munich – 14-ka Agoosto

Man City vs Lyon – 15-ka Agoosto

Isku aadka afar dhammaadka ama Semi-finalka iyo sida uu noqon doono:-

Barcelona/Bayern Munich vs Man City/Lyon

Atletico Madrid/RB Leipzig vs Atalanta/PSG

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close