RASMI: Kooxda Juventus oo shaacisay in Andrea Pirlo ay ka dhigtay badelka Maurizio Sarri

(Turino) 08 Agoosto 2020. Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay in Andrea Pirlo ay u magacowday macalinkeeda cusub. Isagoo saxiixay heshiis dhacaya bisha June 2022.

Madaxweynaha kooxda Juventus ee Andrea Agnelli ayaa Andrea Pirlo u doortay inuu noqdo bedelka macalinka reer Talyaani Maurizio Sarri.

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa maanta si rasmi ah u cayrisay macallin Maurizio Sarri kaddib markii uu hal sano la joogay, waxaana uu ku hoggaamiyey horyaalkoodii sagaalaad oo xiriir ah ee Serie A, balse waxaa xalay laga ciribtiray tartanka Champions League.

Juventus ayaa maamlmo kahor shaacisay in Andrea Pirlo ay u magacawday macalinka kooxda U23 ee Juventus, balse waxay goordhow si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu yahay macalinka kooxda koowaad ee Bianconeri, si uu noqdo badelka Maurizio Sarri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close