Kulamada CAAWA laga ciyaarayo tartanka UEFA Champions League & saacada la baasanayo

(Yurub) 08 Agoosto 2020. Waxaa Caawa la ciyaari doonaa kulamo qaar ee ka tirsan lugta labaad wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

Barcelona ayaa waxay caawa garoonkeeda Cump Nou ku soo dhaweyn doontaa kooxda reer Talyaani ee Napoli, xilli kulankii lugta hore ay ku soo wada baxeen barbardhac 1-1 ah, labada kooxood ayaa waxay u baahan yihiin inay caawa guul ku gaaraan natiijo kasta, halka xitaa Barca ay ku soo bixi karto barbardhac 0-0 ah.

Dhinaca kale Bayern München oo maanka ku haysa in kulankii lugta hore ay ku soo adkaatay 0-3 ayaa soo dhoweynaysa naadiga Chelsea lugta labaad ee wareegga 16-ka ee tartan Champions League.

Haddaba kulamada caawa laga ciyaari doono tartanka UEFA Champions League ayaa waxay kala yihiin:

10:00 Habeenimo: Barcelona vs Napoli

10:00 Habeenimo: Bayern München vs Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close