RASMI: Liiska musharixiinta Abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Premier League oo la shaaciyay

(England) 07 Agoosto 2020. Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay liiska musharixiinta abaalmarinta xiddiga ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedka 2019/2020.

Waxaa liiskan hoggaaminaya kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson, kaasoo ku soo guuleystay dhawaan abaalmarinta qorayaasha kubadda cagta ee loo yaqaano Football Writers’ Association ee  ah ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedkan horyaalka Primer League.

Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay horyaalka Premier League tan iyo sanadkii 1990-kii, taasoo ka dhigtay in liiskan ay ku yeelato Saddex kursi uu hoggaaminayo kabtanka kooxda ee Jordan Henderson.

Haddaba Maamulka horyaalka Premier League ayaa abaalmarintan waxay u soo sharaxeen inay ku tartamaan xiddigaha kala ah, Jordan Henderson, Kevin De Bruyne, Sadio Mane, Trent Alexander-Arnold, Danny Ings, Nick Pope iyo Jamie Vardy.

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close