RASMI: Liiska musharixiinta Abaalmarinta Tababaraha ugu Fiican Premier League oo lagu dhawaaqay

(England) 07 Agoosto 2020. Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay liiska musharixiinta abaalmarinta macalinka ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay horyaalka Premier League tan iyo sanadkii 1990-kii, waxaana loo caleemo saaray koobka horyaalka toddobo kulan kahor dhamaadka tartanka.

Jürgen Klopp ayaa loo arkaa inuu yahay tababaraha ugu cad-cad ee ku guuleysan kara abaalmarinta Premier League, kaddib markii uu ku hoggaaminay inay ku guuleystay muddo 30 sano ah kaddib.

Waxaa layaab noqotay in liiska macalimiinta musharaxiinta ah ee sanadkan uusan ku soo bixin ninka reer Spain ee leyliya kooxda Manchester City Pep Guardiola.

Waxaa ku soo baxay liiska  musharaxiinta abaal-marinta Tababaraha ugu Fiican afarta macalin ee kala ah, Jürgen Klopp, Frank Lampard, Brendan Rodgers iyo Chris Wilder.

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close