Juventus vs Lyon: Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa soo laabashada laga sugayo Kooxda Bianconeri

(Turin) 07 Agoosto 2020. Juventus oo maanka ku haysa in lugtii hore looga soo adkaaday 1-0 ayaa soo dhoweynaysa Lyon lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda lagu naynaaso Bianconeri ayaana doonaysa inay soo laabasho sameyso kulankan caawa ka dhacaya Turin si ay u xaqiijisato u soo bixitaankeeda wareegga siddee dhammaadka tartankan.

Gool uu qeybtii hore dhaliyey Lucas Tousart ayaa guul kaga filnaaday kooxda Lyon kulankii lugta hore ee 16-ka Champions League ka hor inta uusan caabuqa Karoona uusan saameyn buuxda ku yeelay isboortiga.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA Champions League

Taariikhda: Jimce 7 Agoosto 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Felix Zwayer (Germany)

Wararka Kooxaha:-

Tababarihii hore ee Chelsea kaasoo hadda hoggaaminaya Juve ee Sarri ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu diyaar u yahay inuu wajaho Lyon kaddib markii nasiino la siiyey kulankii Juventus ay guuldarrada kala kulantay Roma ee kulankii ugu dambeeyey xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A.

Douglas Costa iyo Mattia De Sciglio ayaa dhaawacyo ku seegaya kulanka kooxdoodu soo dhoweynayso Lyon, waxaana la arki karaa Federico Bernardeschi oo ku soo bilaaban kara garabka midig, inkastoo macallin Maurizio Sarri uu dooq kale oo weerarka ah u haysto Juan Cuadrado iyadoo Danilo garabka midig uu ka soo muuqan karo.

Paulo Dybala ayaa shaki laga galinayaa kulankan, laakiin waxaa la filayaa inuu taam u noqon karo kooxda reer Talyaani kulanka caawa.

Matthijs de Ligt ayaa sii wadan doona inuu daafaca dhexe kala garab ciyaaro Leonardo Bonucci.

Youssouf Kone ayaa seegay safarkii ay kooxdiisu ku aadday Turin, halka Kenny Tete iyo Marcelo labadaba xaaladdooda la qiimeyn doono.

Lucas Tousart ayaa dhaliyay goolka muhiimka ah lugtii hore, laakiin waxaa laga iibiyey Hertha Berlin, sidaa darteed Houssem Aouar ayaa ku bilaaban kara si uu uga garab ciyaaro Thiago Mendes.

Memphis Depay oo lugtii hore ayuu dhaawac ku seegay ayaa ku jira Lyon, ku jiritaankiisuna waa taageero weyn oo ay heleyso kooxda Faransiiska.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Juventus ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) labadeedii kulan ee ay tartammada Yurub garoonkeeda ku soo dhoweysay Lyon, waxaana ay heshay 1 guul iyo 1 barbaro, iyagoo guul 2-1 ka gaartay tartanka Europa League bishii April sanadkii 2014-kii, halka ay babaro 1-1 la galeen kulan qeyb ka ahaa tartanka Champions League bishii November ee sanadkii 2016.

>- Lyon ayaa guuldarro la kulantay afar ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay marti ahaayeen tartammada Yurub ee ay booqdeen dalka Talyaaniga, tan iyo guushii 2-1 oo ay ka soo gaareen Kooxda Fiorentina bishii November ee sanadkii 2008 kulan qeyb ka ahaa tartanka Champions League.

>- Kooxda Juventus ayaa guuldarro la kulantay labo ka mid ah saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Champions League kulammada bug-baxa ku ciyaartay garoonkeeda, halka kulan oo kalena guul ayay gaareen, iyagoo khasaaro kala kulmeen Real Madrid bishii April sanadkii 2018 iyo Ajax bishii April sanadkii 2019.

>- Heerka bug-baxa, Kooxda Lyon waa guuldarro la’aan 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay bannaanka ku soo ciyaartay ama ay marti ahayd, waxaana ay la soo kulmeen 2 barbaro iyo 8 guuldarro, iyagoo ku guuldarreystay inay gool dhaliyaan lix ka mid ah kulammadaas, kulankoodii ugu dambeeyey ee iyagoo marti ah ay soo adkaadaan heerka bug-baxa waxa uu ahaa ciyaar dhacday bishii February sanadkii 2006 oo ay ka hor jeedeen PSV.

>- Kaddib markii ay guuldarro la soo kulmeen lugta hore ee kulammada Champions League, Juventus ayaa natiijada dhinaca kale u rogaysay oo soo laabasho sameysay shan ka mid ah 11-keedii kulan ee hore, waxaana ku jira kulankii ay ka horjeedeen Atlético Madrid wareeggii 16-ka tartankan ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana lugta hore looga soo adkaaday 0-2, laakiin lugtii labaad ayay ku adkaatay Marwada duqda ah 3-0.

>- Lyon ayaa khasaaro la kulantay lugta labaad sagaal ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey ee heerka bug-baxa Champions League, 1 kulan barbaro ayay gashay 9 kulan oo kalena waa laga badiyey, waxaana kaliya ay dhalisay shan gool, halka laga dhaliyey 25 gool 10-kaas kulan.

>- Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey 18 gool, 12-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo kulammada bug-baxa ama knockout-ka Champions League uu ku ciyaaray garoona kooxdiisa, waxaana ku jira afar saddexleey oo mid ka mid ah ay ahayd xilli ciyaareedkii la soo dhaafay wareegga 16-ka lugtii labaad oo uu ka hortagay Atlético Madrid.

>- Macallinka Juventus ee Maurizio Sarri ayaa la dhibtoonaya guuldarradiisii ugu horreysay tartammada Yurub muddo 23 kulan ah, waana guuldarradii lugtii hore ka soo gaaray Lyon, taasoo soo gabagabaysay 22 kulan oo uu guuldarro la’aan ahaa, khasaarana lama kulmin isagoo kooxdiisa uu kula sugan yahay garoonkeeda tartammada Yurub tan iyo bishii February sanadkii 2018-kii, markaasoo isagoo watay Napoli ay guuldarro 3-1 kala kulmeen RB Leipzig tartanka Europa League.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close