RASMI: Laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha July ugu fiicnaa horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(London) 08  July 2020. Weeraryahanka Kooxda West Ham United ee Michail Antonio ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha July ugu fiicnaa horyaalka Premier League kaddib markii uu dhaliyey 8 gool hal gool oo kalena caawiye ka ahaa intii lagu guda jiray bishaas.

Waa markii ugu horreysay oo uu Michail Antonio ku guuleysto abaal-marinta xiddiga bisha ee Premier League, waxaana uu hantiyey abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka bishii la soo dhaafay ee July.

30-sano jirkaan ayaa kooxda West Ham United u dhaliyey 10 oo horyaalka Premier League, waxaana 8 ka mid ah goolashaas uu dhaliyey bishii hore.

West Ham striker Michail Antonio has won the Premier League's Player of the Month for July

Michail Antonio waxa uu abaal-marintan ku garaacay Olivier Giroud, Harry Kane, Anthony Martial, Nick Pope, Christian Pulisic iyo Raheem Sterling oo kula tartamayey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close