Halyeey kooxda Real Madrid ah oo saadaaliyay natiijada kulanka la wada sugayo ee Barcelona iyo Napoli

(Yurub) 05 Agoosto 2020. Barcelona ayaa ka soo heshay barbardhac 1-1 ah kooxda Napoli kulankii lugta hore wareega 16-ka ee Champions League, kahor inta aan tartanka loo joojinin sababa la xiriira faafida caabuqa Covid – 19.

Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Manolo Sanchís ayaa aaminsan in Barcelona ay ugu cad-cadahay inay ka gudubto naadiga reer Talyaani ee Napoli, isla markaana ay u soo baxaan wareega 8-da ee tartanka Champions League.

Inkasta oo Manolo Sanchís magacaabay in kooxda Barcelona ay ka soo gudbi doonto Napoli, hadana laacibkii hore ee Real Madrid ayaa uga digay kooxda reer Catalonia halista kaga imaan karta naadiga reer Talyaani.

Haddaba wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Manolo Sanchís, waxaana uu yiri:

El comentario machista de Manolo Sanchís en la final del Mundialito

“Qolka labiska ee Barcelona waxay u arkaan Napoli kooxda aad u adag, sababa la xiriira xaalada ay haatan ku jirto kooxda”.

“Barcelona waa kooxda ugu cad-cad ee u gudbi karta wareega xiga marka loo eego Napoli, laakiin waa inay taxaddar muujiyaan, waxay la ciyaari doonaan koox Talyaani ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close