Branislav Ivanovic oo dib ugu soo laabanaya Premier League… (Kooxdee ayuu xaqiijiyey inuu ku dhow yahay ku biiristeeda?)

(London) 05 Agoosto 2020. Halyeyga Kooxda Chelsea ee Branislav Ivanovic ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka Premier League, waxaana uu xusay magaca koox uu ku dhow yahay inuu ka mid noqdo.

Branislav Ivanovic ayaa ku dhow inuu si xor ah ugu biiro Kooxda Everton kadib markii sida uu sheegay uu ka helay kooxdaas dalab aad u wanaagsan.

Difaacii hore ee Kooxda Chelsea ayaa ka ciyaaraya naadiga Ruushka ka dhisan ee Zenit St Petersburg tan iyo sanadkii 2017-kii.

Laakiin waxa uu qorsheynayaa inuu dib ugula midoobo garoonka Goodison Park tababarihiisii hore ee kooxda Blues, Carlo Ancelotti xilli ciyaareedka soo socda.

36-sano jirkaan, kaasoo sidoo kale xiiso ka ehlaya Kooxda Red Star Belgrade ayaa ah mid beeca xorta ah lagu heli karo.

Waxaana uu xaqiijiyay in kooxda Everton ay u soo dhaqaaqday sidii ay ula soo wareegi lahayd xagaagan.

Wuxuu yiri Ivanovic: “Waxay u badan tahay inaan xirfaddeyda ciyaareed ka sii wadan doono Everton.

“Waxaan iyaga ka helay dalab wanaagsan.”

“Waan arki doonaa sida arrimuhu u socdaan.” ayuu hadalkiisa ku daray Branislav Ivanovic.

Inkastoo la la xiriirinayo kooxda reer Serbia ee Red Star taasoo ka dhisan Waddankiisa, haddana waxa uu xaqiijiyey Ivanovic inuusan wali wax dalab ah ka helin.

Ivanovic ayaa u soo ciyaaray Srem, OFK Beograd iyo Lokomotiv Moscow ka hor inta uusan ku soo biirin Kooxda Chelsea sanadkii 2008.

Waxa uu u saftay Blues in ka badan 250 kulan oo horyaalka Premier League ah, waxaana uu kula guuleystay Koobka Premier League isagoo ka hoos ciyaarayey Tababare Ancelotti intii lagu guda jiray sagaalkii sano ee uu joogay Galbeedka Magaalada London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close