RASMI: Kooxda Manchester City oo la saxiixatay xiddig cusub

(Manchester) 04 Agoosto 2020. Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la saxiixatay da’ada yarka reer Spain iyo naadiga Valencia ee Ferran Torres.

20 jirkan reer Spain ayaa u saxiixayay kooxdiisa cusub ee Kooxda Manchester City heshiis ku sii heynaya muddada 5-ta sano ee soo socota garoonka Etihad ee gaaraya ilaa iyo 2025.

Naadiga Sky Blue ayaa kula soo wareegtay Ferran Torres qiimo dhan 23 Milyan oo Gini, waxaana loo arkaa inuu muhiim u noqon doono qorshaha macalinka reer Spain ee Pep Guardiola.

Ferran Torres ayaa u soo ciyaaray kooxdiisii hore ee Valencia 44 kulan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 6 gool, wuxuuna ku soo bandhigay qaab ciyaareed fiican tartamada uu ciyaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close